I moogaa dadkeeygii (wacyiga dhalinyarada)
===============================
===============================
Inkasta oo aaysan dhab noqon Karin wax walba oo aad maleysato, balse miir u dhugashadu iyo maalmo aad u fiirsato, darastid oo si qoto dheer ugu kuur gashaayi, waxa aad kusii dhawaneysaa inaad ka gun gaadho is moogeysiin mise mooganaantoodda. Malahaagu markaa buu rumoobaa ama kugu macno beela oo been iyo wax kama jiraan uu ku biyo shubtaa.!
Magaca aan doonayo inaan muhiimada siiyo wa magac dunidu aay ka baqato toog baqdin weyn, markalena aay ku faraxdo, farxad aad uga fog cabir ka lugu mi-qiyaaso farxadda heerarkeedda kala gadisan, adiguba garwaaqso eraygan dhalinyaro inuu yahay, awood badane, caqli badane, hami badane,hoga tusaaleeye , hagaajiye,hiigsade,hal abuure, hogaamiye. Malaha maha oo waa beenteye bal aan si kale u iraahdo eraygan oo aan ku celiyo, Dhalinyaro waa, habaar qabe,halis badane, hoog badane , holac daare , dhiig cabe, iimaan laawe. Bal markan kawaran? Malaha waa sax soow mahan, kala saaristooda sax iyo qalad adiga ayaan kuu daaynayaa balse anigu waxaan qabaa iney labaduba sax noqon karaan, haddii aay dunidu marne ka baqdo marne aay ku faraxdo.
Dhalinyaro hadii aaad maqasho waa xili ka mid ah xiliyadda qofku nooli maro, waa marka awood ahaan ugu badanyahay, ugu hagaajin ogyahay, ugu hami badanyahay, ugu heelanaan ogyahay, ugu hogaamin wanagsanyahay, balse ogoow haddii lagaran waayo waxa uu mudanyahay waxa uu lasoo baxaa miciyo laaban oo intii hore aan ahayn, miciyahaa laaban kagama sheekeynayo oo waxaad u ogtahay si waaqic nololeed ku saleysan.
Bal eeg mooganaantooda, I moogaa dadkeygii, maalmihii rajada dhalinyaranimada, waxaan ka ahay dalkeyga waxaan jirin, waxaan ka ahay dilaa laga baqo, waxaan ka ahay, midaan waxba garan oo ciyaal macno maleh ah, waa sideey ii arkaane, waxaan ka ahay eedeysane arag xun oo xabsiga mudan,inaan shaqeyo ma mudni oo oday caruur korsanayo ayaa iga mudan, cilmigaan bartay waa iska been oo ma gaari karo odagan dalka intaan yar kasoo reebay ama asigiii dalka babaabiyay ayaa ii Xill-dhibaan ah oo waa inaan gerka iyo jilbaha qabsadaa waa inaan ………….. waa inaan……………. , oo dalka waxaan ka ahay xaabadii dabka lagu shidi laha maalmaha colaad beeledka, iyadoo leygu beer laxaawsado, hooyadda iyo xaaskaaga iyo xoolahaadda ayaa sidaa iyo sidaa la yeeli, hadii aadan qoriga qaadin oo qoladaa leyn.!!!!
Malaha anaa mooday ee inama mooganee wey ismoogeysiinayaaan , oo sabab? Sababtoo ah, awoodeena maalinta colaada wey garteene, inta kale maxey u garan waayeen? Sideey ahaataba, waxaan ogahay oo aan hubaa, haddii aaynaan garan awooddaha taban iyo kuwa toga ee dhalinyaradda, oo aan lagu farxin loogana faaideysan sida togan, hadii dadkeenu eeysan garan mudnaanta aaynu mudanahay, haddii aaysan, hagin oo aay hoga tusaleyn, sharaf dunida dusheeda yeeysan sugin, kolka hore , kolka dambane hayskaga noolaadaan cabsi aay ka qabaan kuwii aay garan wayeen muhiimadooodda, kadibne ha u yeertaan, kuwii dhalinyaradooda gartay awoodahooda uguna faaideyay dalkooda iyo dadkooda, si aay uga difaacaan kuwii aay dhaleen balse garan waayeen waxa awood dhax ceygaaga. Noloshuna hayska ahaayo ha is raacdo diidaye ha is raamsate-daaay.
Qorre: Dhaqane Rooble Xalane ( Dhaqane dhuux)
Comments
Post a Comment