Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2020

Wax ka ogow barnaamijka deyn cafinta ee loosoo gaabsho HIPC initiative.

Tariikh ahaan Heavily Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) ama haddii aan Soomaaliyeeyno loogu yeeri karo, barnaamijka dowladaha faqriga ah ee sida xooga ah u qaameysan, waxa uu soo bilaawdday 1996 waxaana hal abuurkeeda lahaa hay’ada lacagta aduunka iyo bangiga aduunka, waxa ay dajiyeen hanaan dhamaan deyn bixiyayaasha,  si ay deynmaha ay ku leeyihiin wadamada faqriga ah ee xoogana u qaameysan loogu sameyo deyn cafin, si loo yareeyo caqabadaha ku gudban kobacooda dhaqaale loona yareeyo faqriga baahay. HIPC waxaa loo qaabeyay hab-dhis kali ah oo muhiim ah, kaa oo leh hanaan balaaran oo u qaabeysan, Siyaasadaha, barnaamijyada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah ayada oo laga taageerayo, kobac xasiloon ee leysku haleyn karo iyo yareynta faqriga baahay. Hal abuurkan waxaa la casriyeyay 1999 waxaana loo hormariyay oo laga dhigay seddex qeybood , waana la badalay habkii lahaa heykal mid ah, seddexda qeyb ee laga dhigay waa; A)    Deyn cafin balaaran oo qoto dhe...