28 Feb 2019 maalin Qamiis ah waxa aay iigu bilaabatay si qurux badan sidii caadada ahaydba, waxaan la soo toosay qorshooyin nololeed oo u baahnaa kala hormarin. Waxaa jirtay arin aan habeenkii ku seexday oo ahayd ogaansho aan ogaaday Buriena Schoolarship iyada oo aay ka dhimantahay kaliyah labo maalmood waqtiga aay dhici lahayd( Deadline), in kastoo waxyaabaha leyskaga baahnaa aay adkaayeen haddana waxaan is tusay inaan u tartamo deeqdaa waxbarasho. Subaxdii Arbacada oo ahayd maalin kahor maalinta qamiista ah, waxaan ka fasax qaatay iskuulkii aan macallinka ka ahaa si aan u dhameystiro waxyaaba looga baahanyaay qofka deeqda waxbarasho ee dalka Burinia in uu u tartamo doonaayo, inta badan dukumiitiyada waxa aay ahayeen kuwa aan haysto waxa iga dhinaa oo kaliyah waraaqda dambi la,anta ( Non- criminal record) oo laga qaato C.I.D. Inkastoo aay adkeed helisteedu aayna qaadaneysay waqti badan haddane dadaal iyo isku dayo badan kadib waan helay maalin...