Waxaa la ogaaday
dhalanka ku koro guri ugu yaraan 80 buug
taal, in uu noqonayo mid aqoon badan,cilmiga xisaabaadkane waxa uu uga wanaagsanaadaa
dadka waaweyn. library ga guriga waxa uu sare u qaadaa aqriska iyo xirfada
xisaabaadka, markii loo eego kuwa goobaha waxbarashada un wax ku aqriya. Dhalaanka
ku kora wax aqrinta guriga inta aan waxbarasho lageyn waxa aay sababtaa, in la
helo bulsho cilmi baadha inta noloshooda ka dhiman.
Tiro ahaan celceliska
buugta aay haystaan qoysaska American ka ah waa 114 sida lagu sheegay dhawaan warqad
cilmi baadhis ah, taa oo lagu daabacay “Scholarly culture” cinwaankeeduna ahaa ((How
books in adolescence enhancement adult literacy and technology skills 31
societies)) 114 waa number fiican. Intii u dhaxeeysay 2011-2015 waxa la daabacay 160,000 oo cilmi baadhis taa oo lagu sameyay
dadka waaweyn kuna saabsan buugaagta aay aqriyaan, waxaa la ogaaday guriga in aad ku haysato 80
buugaag ah iyo in ka badan, in aay sababeyso cilmiga qofka oo aad u u siyaada.
Cilmi baadhis uu
hogaaminayay Dr.Joanna Sikora oo ay sameysay Jamacadda Australian National University waxaa lagu ogaaday, dadka weyniga wax ku bartay kuwooda ku wanaagsan cilmiga guud, cilmiga xisaabaadka iyo tiknoolajiyada
in aay yihiin ku guryahooda aay yaalaan 80 ilaa 350 buug. Sideey ahaataba waxaa la ogaaday in aad
noqoto qof buugaag badan ku haysta guri waxaa goaamiyo halka (Wadanka) aad ku sugantahay,
qoysaska kasoo jeedo wadamada iskaandaneefiyaanka waa kuwa ugu badan eek u haysta
guryaha buugaagta, Norwegians 14%, Swedes
13% ayaa qoskiiba haysato in ka badan
500 oo buug. Wadamadda sida Chile, Greece, Italy, Singapore iyo turkey Qoys
walba waxa uu guriga ku haystaa 80 book. waxaa laga yaaba in aad isweydiiso Africa, ogoow Africa wali iscunistii kama soo dhamaan.!!
Maxey kula tahay faaidada
aay leedahay in gurigaad aad kula noolaato buugaag?
Cilmi baadhistu waxa
aay ogaatay in labo qodob aay muhiim u tahay inaad guriga buugaag ku
haysato. Qodobka 1aad saameyn in uu qofku
la koro cilmiga\ waxbarashadda bulsho
ahaan iyo deegaan ahaanba, maadama
xiliga qaan gaadhka in aad buugaag badan
aqrisid aay tahay qeyb garaadka bulsha
la dhaqanka ka mid ah, waxa aay siyaadinayaan hab fekerka qofka caqligiisane
waxa uu ku korayaa mudo kooban halka uu markii hore u bahnaa waqti dheer. Qodobka
2aad aqrintu waxa aay siyaadisa qofka xirfadaha uu
leeyahay, cilmi baadhistu intaa waxa aay ku dareysaa aqonta uu ka dhaxlay aqrinta qofka waxa aay u
fududeyneysaa inuu noqdo mid ku guuleysta shaqooyinka iyo waxyaabo badan ee nolosha qeyb ka ah.
Qorre: Dhaqane Roble
xalane

Comments
Post a Comment