Tariikh
ahaan Heavily Indebted Poor Countries Initiative (HIPC) ama haddii aan Soomaaliyeeyno
loogu yeeri karo, barnaamijka dowladaha faqriga ah ee sida xooga ah u
qaameysan, waxa uu soo bilaawdday 1996 waxaana hal abuurkeeda lahaa hay’ada
lacagta aduunka iyo bangiga aduunka, waxa ay dajiyeen hanaan dhamaan deyn
bixiyayaasha, si ay deynmaha ay ku leeyihiin wadamada faqriga ah ee xoogana u qaameysan
loogu sameyo deyn cafin, si loo yareeyo caqabadaha ku gudban kobacooda dhaqaale
loona yareeyo faqriga baahay.
HIPC
waxaa loo qaabeyay hab-dhis kali ah oo muhiim ah, kaa oo leh hanaan balaaran oo u
qaabeysan, Siyaasadaha, barnaamijyada iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah ayada
oo laga taageerayo, kobac xasiloon ee leysku haleyn karo iyo yareynta faqriga baahay.
Hal abuurkan waxaa la casriyeyay 1999 waxaana loo hormariyay oo laga dhigay
seddex qeybood , waana la badalay habkii lahaa heykal mid ah, seddexda qeyb ee laga dhigay waa;
A) Deyn cafin balaaran oo qoto dheer, dalalka
deymaha leh wax ayeey ka badaleen sidii hore maadama wadama badan ay soo
gaareen heerka u qalmashada deyn cafinta, halka wadama kalane ayba noqdeen kuwa
u qalma deyn cafin balaaran.
B) deyn
cafin dag dag ah, qoloyinkii deymaha laha waxa ay bilaabeen in ay deynta si
dagdag ah u cafiyaan, marba haddii ay soo gaaran qodobka go’aan qaadashada( the decision point) sidoo
kale waxaa la dajiyay heykal cusub oo qeexayo sida ay wadamadu ku gaari
lahaayeen dhameystirka deyn cafinta (completion point)
C) Xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya deyn
cafinta iyo yareynta faqriga baahay, daqliga loo fasaxo dowladaha waa in ay u
istcmaalaan, cilmibaariyo qaabeynaya sidii loo yareyn lahaa faqriga, dowlada qaameysan waa in horumar ka sameysaa wada tashiga ay la yeelaneyso bulshada rayidka ah.
-February
2003 operation evaluation department (OED) oo ka mid ah bangiga aduunka ayaa ku
sameysay dib u eegis hal abuurka HIPC.
OED
waa qeyb madax banana oo dib u eegis ku sameysa
howlihii uu qabtay bangiga, si cashar looga barto wixii tagay, sidoo
kalana loo ogaado howlihii la dajiyay wixii ka qabsoomay. OED waxa ay si toos ah xogta ula wadaagta
madaxweynaha bangiga aduunka.
Ahdaafta
ay taagantahay OED ayaa ah; in ay qiimeyso casharadii laga bartay tagtada
kadibne ka siiso cadeynma cad howlihii la qabtay wixii ka dhashay, talo bixin ka soo jeediso waxyaabihii bangiga aduunka u qabsoomay, intii saxnaa
iyo inta dib u sixida u baahanba.
HIPC
waa waax hal abuur ah, taa oo xooga saarta hurumarin maaliyadeed, si bilaaw
wanaagsan loosiiyo wadamada uu faqrigu ragaadiyay aadkane u qaameysan.
Inta badan HIPC waxa ay aad ula xiriirtaa siyaasada dhaqalaha, dhaqalaha guud iyo deeqaha sidii ay u noqon lahayeen kuwa mira dhal leh. Muhiimada laga leeyahay HIPC waxaa ka mid ah, in ay sabab u noqoto qarash gareynta bulshadu oo siyaado, dhaqaluhuna uu kobac sameeyo.
Inta badan HIPC waxa ay aad ula xiriirtaa siyaasada dhaqalaha, dhaqalaha guud iyo deeqaha sidii ay u noqon lahayeen kuwa mira dhal leh. Muhiimada laga leeyahay HIPC waxaa ka mid ah, in ay sabab u noqoto qarash gareynta bulshadu oo siyaado, dhaqaluhuna uu kobac sameeyo.
-Ilaa
hadda wadamada faqrigu ragaadiyaya aadna u qaameysnaa ee ka
faaideystay hal abuurka HIPC waxaa ka
mid ah 27 wadan, wadamada waxaa ka mid ah, Benin, Bolivia, Burkina Faso, Ethiopia,
Ghana, Guyana, Mali, Mauritania, Mozambique, Nicaragua, Niger, Senegal,
Tanzania and Uganda – have reached their completion points. (The following six
countries have reached completion point since September 2003: Guyana,
Nicaragua, Niger, Ethiopia, Senegal, iyo Ghana.
Hal
abuurka HIPC wadamada raboin ay ka faideystan waa in ay caqabadaha soo socda
kasoo gudbaan oo ay soo qabtaan shaqooyinka kala ah.
-
Hadafka
laga leyahay HIPC initiative
-
Cawinaad
joogta ah oo aad ka heshan deeq bixiyayaasha
-
Deeqaha
dalka la siiyo in ay ka badanyihiin 7% Gross National Product (GNP)
-
Siyaadad
cudoon oo howlkarnimo leh
-
Hufnaan
iyo daah furnaan dhaqaale
-
Wada
shaqeyn ka timaada, dhinacyada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn lagu daray
wada shaeynta beesha caalamka.
-
Qodobka
go’aan qaadashada.
Gabagabadii
iyo gunaanadkii, dalkeena Soomaaliya waxa uu soo buuxiyay intii ugu badaneed
shuruudihii uu ku noqon lahaa mid laga cafiyo deynta balse waxaa u harsan
qodobkii ugu dambeyay uguna muhiimsanaa, oo ay hay’ada lacagta aduunka iyo
bangiga aduunkaba ay ku sheegeen in go’aan laga gaari doono dhamaadka bisha
maarso ee sanadkan.
Maxaa
Soomaaliya looga baahanyahay si loogu guuleysto qodobka go’aan qadashada ee
ugu dambeyo uguna muhiimsan barnaamijka deyn cafinta?
Wadan
walba oo qeybtan soo gaaro waxaa laga eegayaa
1- Heerka deynta (Extent of Poverty);
2- Deynta dibada looga leyahay (External Debt
Stock)
3- Hurumarka laga sameyay xasilooni
siyaasadeed iyo mid amni (Political and Security Developments)
4- Sameynta uu yeeshay dib u habeynta
beegsiyadii dhaqale (Impact of Economic Reform Agenda.)
Dhaqane Roble Halane
dhaqaneeco@gmail.com
Dhaqane Roble Halane
dhaqaneeco@gmail.com


Comments
Post a Comment