28 Feb 2019 maalin Qamiis ah waxa aay iigu bilaabatay si
qurux badan sidii caadada ahaydba, waxaan la soo toosay qorshooyin nololeed oo
u baahnaa kala hormarin. Waxaa jirtay
arin aan habeenkii ku seexday oo ahayd ogaansho aan ogaaday Buriena Schoolarship
iyada oo aay ka dhimantahay kaliyah labo maalmood waqtiga aay dhici lahayd(
Deadline), in kastoo waxyaabaha leyskaga baahnaa aay adkaayeen haddana waxaan
is tusay inaan u tartamo deeqdaa waxbarasho.
Subaxdii Arbacada oo
ahayd maalin kahor maalinta qamiista ah, waxaan ka fasax qaatay iskuulkii aan
macallinka ka ahaa si aan u dhameystiro waxyaaba looga baahanyaay qofka deeqda
waxbarasho ee dalka Burinia in uu u tartamo doonaayo, inta badan dukumiitiyada waxa aay ahayeen
kuwa aan haysto waxa iga dhinaa oo kaliyah waraaqda dambi la,anta ( Non-
criminal record) oo laga qaato C.I.D. Inkastoo aay adkeed helisteedu aayna
qaadaneysay waqti badan haddane dadaal iyo isku dayo badan kadib waan helay
maalinkii khamiista oo ii ahayd maalinkii laaad ee raadinta waraaqda, yaanan
iloobin inaan ku xasuusiyo waqtiga dhicista ( deadline) deeqda waxbarasho ee
loo tartamaayo waxa uu u egyahay isla maalinta Khamista ah 28-02-2019, 4:00
galabnimo maadaama aay shansaac inaga horeeyaan. Waraaqdii markaan soo helay
kadib waxaan so saray iskaan waxaan usoo dagdagay guriga si aan u xareeyo ugu dameyn waan xareyay waqtigii oo daqiiqado
kooban ka dhimanyihiin, mahada Rabbi baa leh galabtaa waxa aay iigu dhamaatay
farxad iyo guul maadaama beegsigeygii aan gaaray waxaanan nafteyda u shegay ugu yaraan inaan wax qabtay .
Qubeys iyo isdiyaarin
kadib waxaan ku labistay Sarwaal iyo funaanad sports ah oo jilicsan, waxa aan
wacay oo aan la balamay saxiinkey Abdirahman Moalim Dhaqane si aaynu isku wareysano maadama aaynan is
arag in mudo ah, waxaan xirtay funaanad iyo surwaal sports ah oo jilicsan
waxaan aaday dhankaa iyo wadada Maka
Almukaramah Salaada maqrib oo waxyar ka dhimanyihiin, waxaan wadada kula kulmay
saxiib aan qalin wadaag ahayn mudo afarsano ah ooh al fasal wada dhiganeynay
Omar Bashiir horay ayaan isku raacnay waxaan ku wada tukanay wadaadkii suufiga
ahaa ee daganaa guriga ku dhagan Maqaaxida Hilaac UK kadib waxaan ku iraahday
aniga waxaan u socdaa Bun iyo buug Library ee halkaan aan isku sii wareysane
ina keen baan ku iraahday, isaguna igama diidine waxa uu igu yiraaahday
howraarsan, asiga waxa aay u ahayd markii u horeysay halkii buu buugaagta ku
indha daraandaray oo uu dhex qaaday balse aniga waxaan horay ka laacay buug aan
dartii usoo baxay oo la yiraahdo Report writers guide.
Waxa aaynu fariisanay
halmiis labadeenaba waxa aan iska wareysanay xalada nololeed ee qof walba ku
suganyahay maadama jamacaddii mar hore dhamaatay, waxa ugu badan aan wax iska
weydiinay waxa aay ahayd suuqa shaqada iyo caqabadaha taagan ee aay ugu hoeyso
eexda.
Waxyar kadib waxa nagusoo biiray Engneer
Abdirahmaan oo asiga xitaa aay goobtu ku cusbeyd halkii baan labadeyda saxiib
isku baray oo aan ku wada cabnay Shaah iyo Biyo. Omar waa uu inaga tagay isaga
oo inoo sheegay inuu u baxayo tima jare kadib waxa aan sheekeysanay Engineer
Abdirahman oo aaynu balansaneyn sheekadii markii aay inoo dhamaatay waxaa uu
doontay buug anigane waxa uuna soo qabsaday buug layiraahdo Dhacdooyinkii Dunida
Badalay (Events That change The World) aqrin ayuu qof walba guda galay kadib
maxaa dhacay?
Waxaan dareemay xiin
sida duufaan oo kale ah waxaan milcsaday daaqad igu aadaneyd aniga oo halkeyga
fadhiyo kadib waxaa isheydo qabatay boor iyo dhagxaan soo socdo gacmaha ayaan
wajiga ku aadiyay, waxaa igu dhacay waxaan garan Karin waxa aay yihiin oo
iskugu jiro biro iyo dhagxaan, waan faniinay oo waxa aan ku dhacay dhulka kadib
waxaa yeeray dhawaq xoogan markaa baa dhimir iigu dambeysay, waxaa oo dhanac
waxa aay ku dhacayaan ilbiriqsiyo gudahood,
Mudo kadib waxaan soo naaxay Abdirahmaan oo I taataabanayo oo leh
Dhaqane Dhaqane, Meel walba waa mugdi waxa kaliya aad arkeysaa waa holac iyo qiiq, waxa kaliyah aan
xasuustay waxa aay ahayd Ashahaatinka waxaan ku celcelinayay Laaillaha Illalah
Maxamedda Rasuulullaah, Waxaan u dhiig baxayaa si said ah waxaa dhacayo xabado aan joogsi lahayn,
qaraxa Bamba gacmeedka waan maqalnaa, Abdirahman waxa uu iweydiiyay halka ii
daran balse jawaab awood aan ku siiyo ma lahayn balse maadama uu wax
iweydiinayo waxaan u qaatay inu asiga I dhaamo, waxa uu bilaabay dadaal uu ku
ogaanayo halka ii daran waxa uu ogaaday lugaygu in aac caafimaad qabaan oo aay
igu yaalaan dhawac xoogane aysan qabin, dhawaca igu badan uu yahay qaarka hore
waxa uu shaatigisa iiga duubay gacan aad u dhiig baxeysay, funaanad wiilka
mesha ka shaqeynayayne waxaa leyga duubay madaxa , xabada Oo socoto ayaan
waxaan goaansanay inaan dagno Garbaha ayaa leyga soo galay waxaa ku dulsoconaa
dhagxaan Holcaayo waxaan usoo baxnay banaanka
waxaa halka naga qaaday Amiin Umplus waxaa nala saran dad shooksan oo dhaawac ah
dada nafta ka socoto waxa aay ahayd habeen murugo badan waxaa ley geyay
isbitaal madiino intii aan salada ku jiray waxaa salada aan ku jiray ku dhintay
laba qofood, dadka qaarkii caloosha ayaa banaanka taal qaarna madaxa iyo
xabadka ayeey ka dhaawacanyihiin.
Cirbad dhiig joojin ah
iyo xididadii furtay oo la xiray kadib waxaa leey wareejiyay Hospital Digfeer
xanuun aay murug dheertahay iyo ciil in mudo ah qaatay kadib hadda waan ka
kacay oo waan nabad qabaa Alhamdullilaah, Waxaan Allah u baryayaa dadkii ku
dhintay qaraxyada Soomaaliya ka dhacay inu Jannada Ku Arsaaqo kuwa ku dhaawacmayne Allah caafimaad taam ah siiyo.
Dadkii fikirka lahaay kuwii maal galiyay, kuwii
fuliyay, kuwii fududeeyay iyo
kuwa qalbiga kafarxayba Aaqiro iyo Aduun ku cadaabo oo cuqubo nololeed oo harin
dunida ugu soo saaro aaqrina Naarta ku waariyo ebedkood. Allahuma Amiin

waxaan ku kulanay taleex bangiyada, markii lay yiri wuuku dhaawacmay waxaan is iri ilaa markii ma meeluhuu miraafayay muxuunan u dheeraan. laftaydu waxaan joogay teer iyo jeerkaan kulmaynay meesha agagaarkeeda, waxaan joogay istanbuul. waxaanka sheekaysanay CIDda oo aad markaas ka timid adigoo basaas leh, daalna kaa muuqdo. allaa mahadleh waxaan usoo socday coloow taawer barawaani iyo aniguba waliba anugu waxaan naa wilayay amaad dhex oga hartaa barawaani eeryada qaraxa alx. waxay aheed habeen yaab leh.
ReplyDeleteAad iyo Aad waxa aay ahayd habeen murugo badan balse Allah ayaa mahadleh mar walba.
Deletesaxiibkey dhaqane dhuux waxaan hubaa inaad dhamaan hadafyada nolashaada ad gaari doonto alle haku sharfo sabarka iyo iimaanka badan ayaaba ah guulahaaga nolow bro.
ReplyDeleteWaa sheeko aan LA ilmeeyey runtii adoo farxad ku galabeystey bey murug kuugu bedeleen illaahii kuu qadarey baa mahad leh oo kaana badbaadiyey dhacdadaan xanuunka badan waxaan kuu rajeynaa nolol farxad leh insha Allah
ReplyDeleteMar walba Allah ayaa mahadleh, adigane Shukran Walalkey sida niyad wanaaga leh ee Aad iila damqatay.
DeleteRuntii waa dhacdo aan marnaba la hilmaami karin oo soo martay noloshada.
ReplyDeleteWa farxad murugo isku bedeshay hal mar.
Insha allah himilooyinkaaga allaha kuu fududeeyo gaaritaankooda.
ilaahay waxaan kaaga baryaaa inuu caafimaadkaaga kuu siyaadiyo dhibaatooyinka dunidaan kajirana kaa haayo adiga iyo dadka kalaba
Aaamin dhamaanteen Walalkey mahadsanid.
ReplyDeleteInta Aysan dhicin dhacadad xanuunka lahayd Uur Ku talane Naku wada Reebtay Ku dhawaad Wax aan ka yareen 30 Daqiiqo Ayaan Ka tagay Aagas Ay ka Dhacaday Dhacadada Foosha Xumeyd.
ReplyDeleteMarki aan Maqlay In uu Dhawacmay Sxbey Dhaqane Roble Xalane Aad ayaan uka naxay Lkn alle Mahadisa waxaan ogaday in uu Nolyahay Uku danbeen.
Alle ayaa Mahad iska leh Sxb Hadii aad ka so kacaday xanuunki iyo dhawaci.
Xaqiiqdii waa maqaal murugo leh cibro qaadashana mudan waana ilaahey mahadii hadaad ka soo bogsootay waxyeeladii ku gaartay ilaahey dalka hanoo hagaajiyo saaxiib
ReplyDeleteAlx
ReplyDeleteAamiin allaha kuu rumeeyo riyooyinkaaga
Cajiib wax wlbo illh ku.mahdsan aso nabd kuso badbaadiyey
ReplyDeleteWaa dhacdo ad u xanun badan balse allah aya mahad leh allahi kuu dhib yareyay kuuna boga dhayay ad ban ugu faraxsanahy sxb soo labashadada waxan aku rajenayay intad noshahay in allah kuu sahlo himiloyinkaga aduun iyi akhiraba guuleyso sxb
ReplyDeleteWlhi ma aan hilmaamin habeenka xasuus Bey nagu wada reebtay dhmaanteyn 😴 , allaH waxan kaga baryaa in Nolosha aad usoo sabartay guul kgu Hogaamiyo adeer mcne🤲❣ .
ReplyDelete