Skip to main content

Bunkiyo Buuga iyo Qaraxii Baaba’a Sababay Ee Moqdishu ( Tani waa sheekadeyda)



28 Feb 2019  maalin Qamiis ah waxa aay iigu bilaabatay si qurux badan sidii caadada ahaydba, waxaan la soo toosay qorshooyin nololeed oo u baahnaa kala hormarin.  Waxaa jirtay arin aan habeenkii ku seexday oo ahayd ogaansho aan ogaaday Buriena Schoolarship iyada oo aay ka dhimantahay kaliyah labo maalmood waqtiga aay dhici lahayd( Deadline), in kastoo waxyaabaha leyskaga baahnaa aay adkaayeen haddana waxaan is tusay inaan u tartamo deeqdaa waxbarasho.
Subaxdii Arbacada oo ahayd maalin kahor maalinta qamiista ah, waxaan ka fasax qaatay iskuulkii aan macallinka ka ahaa si aan u dhameystiro waxyaaba looga baahanyaay qofka deeqda waxbarasho ee dalka Burinia  in uu  u tartamo doonaayo,  inta badan dukumiitiyada waxa aay ahayeen kuwa aan haysto waxa iga dhinaa oo kaliyah waraaqda dambi la,anta ( Non- criminal record) oo laga qaato C.I.D. Inkastoo aay adkeed helisteedu aayna qaadaneysay waqti badan haddane dadaal iyo isku dayo badan kadib waan helay maalinkii khamiista oo ii ahayd maalinkii laaad ee raadinta waraaqda, yaanan iloobin inaan ku xasuusiyo waqtiga dhicista ( deadline) deeqda waxbarasho ee loo tartamaayo waxa uu u egyahay isla maalinta Khamista ah 28-02-2019, 4:00 galabnimo maadaama aay shansaac inaga horeeyaan. Waraaqdii markaan soo helay kadib waxaan so saray iskaan waxaan usoo dagdagay guriga si aan u xareeyo  ugu dameyn waan xareyay waqtigii oo daqiiqado kooban ka dhimanyihiin, mahada Rabbi baa leh galabtaa waxa aay iigu dhamaatay farxad iyo guul maadaama beegsigeygii aan gaaray waxaanan nafteyda u shegay ugu yaraan inaan wax qabtay .

Qubeys iyo isdiyaarin kadib waxaan ku labistay Sarwaal iyo funaanad sports ah oo jilicsan, waxa aan wacay oo aan la balamay saxiinkey Abdirahman Moalim Dhaqane  si aaynu isku wareysano maadama aaynan is arag in mudo ah, waxaan xirtay funaanad iyo surwaal sports ah oo jilicsan waxaan aaday dhankaa iyo wadada  Maka Almukaramah Salaada maqrib oo waxyar ka dhimanyihiin, waxaan wadada kula kulmay saxiib aan qalin wadaag ahayn mudo afarsano ah ooh al fasal wada dhiganeynay Omar Bashiir horay ayaan isku raacnay waxaan ku wada tukanay wadaadkii suufiga ahaa ee daganaa guriga ku dhagan Maqaaxida Hilaac UK kadib waxaan ku iraahday aniga waxaan u socdaa Bun iyo buug Library ee halkaan aan isku sii wareysane ina keen baan ku iraahday, isaguna igama diidine waxa uu igu yiraaahday howraarsan, asiga waxa aay u ahayd markii u horeysay halkii buu buugaagta ku indha daraandaray oo uu dhex qaaday balse aniga waxaan horay ka laacay buug aan dartii usoo baxay oo la yiraahdo Report writers guide.
Waxa aaynu fariisanay halmiis labadeenaba waxa aan iska wareysanay xalada nololeed ee qof walba ku suganyahay maadama jamacaddii mar hore dhamaatay, waxa ugu badan aan wax iska weydiinay waxa aay ahayd suuqa shaqada iyo caqabadaha taagan ee aay ugu hoeyso eexda.

 Waxyar kadib waxa nagusoo biiray Engneer Abdirahmaan oo asiga xitaa aay goobtu ku cusbeyd halkii baan labadeyda saxiib isku baray oo aan ku wada cabnay Shaah iyo Biyo. Omar waa uu inaga tagay isaga oo inoo sheegay inuu u baxayo tima jare kadib waxa aan sheekeysanay Engineer Abdirahman oo aaynu balansaneyn sheekadii markii aay inoo dhamaatay waxaa uu doontay buug anigane waxa uuna soo qabsaday buug layiraahdo Dhacdooyinkii Dunida Badalay (Events That change The World) aqrin ayuu qof walba guda galay kadib maxaa dhacay?

Waxaan dareemay xiin sida duufaan oo kale ah waxaan milcsaday daaqad igu aadaneyd aniga oo halkeyga fadhiyo kadib waxaa isheydo qabatay boor iyo dhagxaan soo socdo gacmaha ayaan wajiga ku aadiyay, waxaa igu dhacay waxaan garan Karin waxa aay yihiin oo iskugu jiro biro iyo dhagxaan, waan faniinay oo waxa aan ku dhacay dhulka kadib waxaa yeeray dhawaq xoogan markaa baa dhimir iigu dambeysay, waxaa oo dhanac waxa aay ku dhacayaan ilbiriqsiyo gudahood,  Mudo kadib waxaan soo naaxay Abdirahmaan oo I taataabanayo oo leh Dhaqane Dhaqane, Meel walba waa mugdi waxa kaliya aad  arkeysaa waa holac iyo qiiq, waxa kaliyah aan xasuustay waxa aay ahayd Ashahaatinka waxaan ku celcelinayay Laaillaha Illalah Maxamedda Rasuulullaah, Waxaan u dhiig baxayaa si said ah  waxaa dhacayo xabado aan joogsi lahayn, qaraxa Bamba gacmeedka waan maqalnaa, Abdirahman waxa uu iweydiiyay halka ii daran balse jawaab awood aan ku siiyo ma lahayn balse maadama uu wax iweydiinayo waxaan u qaatay inu asiga I dhaamo, waxa uu bilaabay dadaal uu ku ogaanayo halka ii daran waxa uu ogaaday lugaygu in aac caafimaad qabaan oo aay igu yaalaan dhawac xoogane aysan qabin, dhawaca igu badan uu yahay qaarka hore waxa uu shaatigisa iiga duubay gacan aad u dhiig baxeysay, funaanad wiilka mesha ka shaqeynayayne waxaa leyga duubay madaxa , xabada Oo socoto ayaan waxaan goaansanay inaan dagno Garbaha ayaa leyga soo galay waxaa ku dulsoconaa dhagxaan Holcaayo waxaan usoo baxnay banaanka  waxaa halka naga qaaday Amiin Umplus  waxaa nala saran dad shooksan oo dhaawac ah dada nafta ka socoto waxa aay ahayd habeen murugo badan waxaa ley geyay isbitaal madiino intii aan salada ku jiray waxaa salada aan ku jiray ku dhintay laba qofood, dadka qaarkii caloosha ayaa banaanka taal qaarna madaxa iyo xabadka ayeey ka dhaawacanyihiin.

Cirbad dhiig joojin ah iyo xididadii furtay oo la xiray kadib waxaa leey wareejiyay Hospital Digfeer xanuun aay murug dheertahay iyo ciil in mudo ah qaatay kadib hadda waan ka kacay oo waan nabad qabaa Alhamdullilaah, Waxaan Allah u baryayaa dadkii ku dhintay qaraxyada Soomaaliya ka dhacay inu Jannada Ku Arsaaqo kuwa  ku dhaawacmayne Allah caafimaad taam ah siiyo. Dadkii fikirka lahaay kuwii maal galiyay, kuwii  fuliyay, kuwii fududeeyay  iyo kuwa qalbiga kafarxayba Aaqiro iyo Aduun ku cadaabo oo cuqubo nololeed oo harin dunida ugu soo saaro aaqrina Naarta ku waariyo ebedkood. Allahuma Amiin

Comments

  1. waxaan ku kulanay taleex bangiyada, markii lay yiri wuuku dhaawacmay waxaan is iri ilaa markii ma meeluhuu miraafayay muxuunan u dheeraan. laftaydu waxaan joogay teer iyo jeerkaan kulmaynay meesha agagaarkeeda, waxaan joogay istanbuul. waxaanka sheekaysanay CIDda oo aad markaas ka timid adigoo basaas leh, daalna kaa muuqdo. allaa mahadleh waxaan usoo socday coloow taawer barawaani iyo aniguba waliba anugu waxaan naa wilayay amaad dhex oga hartaa barawaani eeryada qaraxa alx. waxay aheed habeen yaab leh.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Aad iyo Aad waxa aay ahayd habeen murugo badan balse Allah ayaa mahadleh mar walba.

      Delete
  2. saxiibkey dhaqane dhuux waxaan hubaa inaad dhamaan hadafyada nolashaada ad gaari doonto alle haku sharfo sabarka iyo iimaanka badan ayaaba ah guulahaaga nolow bro.

    ReplyDelete
  3. Waa sheeko aan LA ilmeeyey runtii adoo farxad ku galabeystey bey murug kuugu bedeleen illaahii kuu qadarey baa mahad leh oo kaana badbaadiyey dhacdadaan xanuunka badan waxaan kuu rajeynaa nolol farxad leh insha Allah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mar walba Allah ayaa mahadleh, adigane Shukran Walalkey sida niyad wanaaga leh ee Aad iila damqatay.

      Delete
  4. Runtii waa dhacdo aan marnaba la hilmaami karin oo soo martay noloshada.
    Wa farxad murugo isku bedeshay hal mar.
    Insha allah himilooyinkaaga allaha kuu fududeeyo gaaritaankooda.
    ilaahay waxaan kaaga baryaaa inuu caafimaadkaaga kuu siyaadiyo dhibaatooyinka dunidaan kajirana kaa haayo adiga iyo dadka kalaba

    ReplyDelete
  5. Aaamin dhamaanteen Walalkey mahadsanid.

    ReplyDelete
  6. Inta Aysan dhicin dhacadad xanuunka lahayd Uur Ku talane Naku wada Reebtay Ku dhawaad Wax aan ka yareen 30 Daqiiqo Ayaan Ka tagay Aagas Ay ka Dhacaday Dhacadada Foosha Xumeyd.
    Marki aan Maqlay In uu Dhawacmay Sxbey Dhaqane Roble Xalane Aad ayaan uka naxay Lkn alle Mahadisa waxaan ogaday in uu Nolyahay Uku danbeen.
    Alle ayaa Mahad iska leh Sxb Hadii aad ka so kacaday xanuunki iyo dhawaci.

    ReplyDelete
  7. Xaqiiqdii waa maqaal murugo leh cibro qaadashana mudan waana ilaahey mahadii hadaad ka soo bogsootay waxyeeladii ku gaartay ilaahey dalka hanoo hagaajiyo saaxiib

    ReplyDelete
  8. Alx
    Aamiin allaha kuu rumeeyo riyooyinkaaga

    ReplyDelete
  9. Cajiib wax wlbo illh ku.mahdsan aso nabd kuso badbaadiyey

    ReplyDelete
  10. Waa dhacdo ad u xanun badan balse allah aya mahad leh allahi kuu dhib yareyay kuuna boga dhayay ad ban ugu faraxsanahy sxb soo labashadada waxan aku rajenayay intad noshahay in allah kuu sahlo himiloyinkaga aduun iyi akhiraba guuleyso sxb

    ReplyDelete
  11. Wlhi ma aan hilmaamin habeenka xasuus Bey nagu wada reebtay dhmaanteyn 😴 , allaH waxan kaga baryaa in Nolosha aad usoo sabartay guul kgu Hogaamiyo adeer mcne🤲❣ .

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Who Cursed Hiran?

People of Hiran are suffering as other regions in the country, but they have an addition of poor leadership, lack of social service, floods and civil wars and many more. Lack of good leadership started when Somalia practised central government to appoint the governors and the mayors of the region by warlords, ignorant and self-interest practitioners who never work the common interest of the region. After the formation of Hirshabeelle State, the local residents of the region were expecting the newly formed administration to make a significant change in the areas of social service, security and the leadership of the region. According to villagers, nothing has changed, but the situation worsened. The elites of the region think that the appointment of uneducated governors and mayors who cannot lead only increase the administrative corruption problem, which can result in displacing hundreds of families in the city every single year. Floods are damaging economic activities and raise humani...

Opinion Article: WHAT IS THE SOLUTION OF RECURRENT FLOODS IN BELET WEYN CITY?

 The town of Belet Weyn experiencing   repeatedly worst flooding and thousands of families displaced from the city in each year, the floods disturbed the normal life of the residents, major business of the city are in bog down situation while the workforce who basically relied on the wage earning from daily activities are in humanitarian ground. Every Somali citizen looking for an answer and questioning himself what is the reasons behind, the repeatedly floods of the capital city of Hiiraan province and what is the solution?   To my understanding, it can be categorized reasons result repeatedly floods of belet weyn city into three main reasons. First the Italian colony inhabited and built a place which is a farmland where unsuited totally to inhabit. The second reason is the banking soil of the river’s water run ground and The third reason is mismanagement and irresponsibility of the administration, particularly Hirshabelle State with unawareness of the ...